HomeAll newsMuwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika.

Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika.

 

Dalka Koofur Afrika oo kamid ah wadamada ay Soomaalidu u badna yihiin ee qaaradda Afrika islamarkaana ka shaqeystaan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.

Wararka ka imanaya dalkaasi ayaa waxay sheegayaan in kooxo burcad Koofur Afrikaan ah ay degaanka Naas ee Gobolka Mpumalanga, ku dileen muwaadinka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir.

Goobta lagu dilay waa xarun ganacsi oo uu ka shaqeynayay muddo 8 biloo ah sida aan kasoo xiganay dad xog ogaal ah. Wadankaas ayaa waxaa caadi ka noqday dilka dadka Soomaalida ah, waxaadna moodaa in Soomaalida halkaa ku dhaqan ay iyaguna la qabsadeen.

Soomaalida ayaa si caadi ah u aasta meydka hadba qofkii laga dilo waxaana arrintan cambaareeyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaaso. Dalkaas waxaa kale oo ku nool muwaadiniin u dhashayw adamo kale laakin iyagu looma dilo sida Soomaalida maxaa yeelay waxay leeyihiin dowlado rasmi ah oo u doodi kara, halka kuwa Soomaalidu aaney lahayn safaarad ama qunsuliyad arrimahooda ka shaqeysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular