HomeAll newsKudhawaad 60 askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Afqaanistaan.

Kudhawaad 60 askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Afqaanistaan.

Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa duullaan ballaaran ku qaaday askar katirsan xukuumadda Kaabul ee la shaqeeya Shisheeyaha duulaanka ku jooga wadankaas.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan, una muuqday mid Dhaalibaan si wanaagsan usoo qorsheysay ayaa lagu qaaday xarunta degmada Macruuf ee wilaayada Qandahaar, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

Ugu horeyn, waxaa dagaalka lagu daah furay qarax aad u weyn, oo ahaa gaari miineysan, kaas oo naftii hure katirsan Imaarada islaamiga Afqaanistaan uu geliyay saldhiga ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Kaabul, kadibna uu dib uga soo laabtay..
Intaas kadib, ciidamada mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhiga iyo ciidankii joogay, waxaana goobta ka dhacay dagaal culus, oo la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan.
Afhayeenka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan Sheekh Qaari Muxamad Yuusuf Axmadi, ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas ay ku dileen ugu yaraaan 57 askari oo katirsan ciidamada xukuumadda Kaabul, halka ay sidoo kale soo qafaasheen 11 askari oo nool.

Askarta ku dhimatay dagaalka, waxaa kamid ah taliyihii ciidamada Amaanka ee degmada iyo xog heyntiisa, waxaana dhanka kale jira khasaaare maaaddi ah oo gaaray askarta xukuumaddda Kaabul.

Ugu yaraan 5 gaari oo noocyada gaashaman ah iyo hub iyo saanad milliteri oo aad u badan ayay dagaalka kula jireen xoogaga Dhaalibaan, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Imaarada.

Xarunta la weeraray ee uu ku shaqeynayay maamulka degmada Macruuf ayaa la sheegay in dhawaan la dhisay, kadib markii xaruntii hore ay la wareegeen ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Dagaalkan wuxuu qeyb ka ahaa howlgalka Al-fatxi, ee gugii lasoo dhaafay ay hogaanka Imaaradu kaga dhwaaqeen Afqaanistaan, waxaana tan iyo markii lagu dhawaaqay dhacay howlgallo kala duwan oo ay ku ruq baxeen askar iyo saraakiil badan oo katirsan Shisheeyaha iyo kuwa xukuumadda Kaabul.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular