Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ayaa xaqiijinaya in ciidamada Kenya lala eegtay qarax culus oo geystay khasaare ba’an.
Inta u dhexeysa Buurgaabo iyo Raaskambooni ayaa qarax xoogan waxaa lagula beegsaday gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen askar Kenyaati ah.
Wararka aynu heleyno waxay xaqiijinayaan in gaariga uu gebi ahaanba basbeelay, toban askari oo kamid ah askarta Kenyaatiga ee saarneyd gaarigana ay dhinteen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan khasaaraha adag gaarsiiyay ciidamada Kenyaatiga oo qeyb ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga carriga Soomaaliya.
Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa aad u kordhay weerarad ay ciidamada Kenyaatigu kula kulmayaan gudaha Wilaayaadka islaamiga iyo dhulka ay Kenya xooga ku heysato ee NFD.
Masha alah