Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ay heysato dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan muhiim ah.
Deegaanka Kontonka oo hoostaga magaalada Wajeer ee NFD ayay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Askar nool oo Kenyaati ah, kana tirsan qeybta Police-ka ayaa u gacan galay ciidamada Mujaahidiinta, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xaqiijisay arinkaas.
Lama helin faafaahin intan kabadan oo ku aadan weerarka ay fuliyeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha dhulka NFD iyo saaxilka ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah.