Labo doonyo oo waaweyn, islamarkaana ah noocyada shidaalka qaada ayaa lagu weeraray xeebaha gacanka Cummaan, waxaana gaaray waxyeello kala duwan.
Doonyahan la weeraray waxay midi katimid xeebta Abuu Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana ay shidaal u waday wadanka Norway, halka doonida labaad ay kasoo raratey xeebaha maamulka Aala-sucuud, iyadoo kusii jeeday wadanka Sangabuur.
Shaqaalaha labada doon ayaa waxaa qaarkood soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana ay sheegeen iney la kulmeen weerar lagu soo qaadya oo aysan noociisu fahmin.
Mid kamid ah laba doon ee weerarka la kulmay waxay weli ku sugantahay xeebaha gacanka Cummaa, waxaana shaqaalaha laga saaray badda, iyagoo hadda ku sugan wadanka Cummaan.
Maraykanka oo hadlay wuxuu sheegay inuu la socda wararka la xiriira weerarkan, ayna billaabeen baaritaanno iyo gurmad lagu badbaadinayo shaqaalaha doomaha la weeraray.
Inta badan dowladaha caalamka ayaa ka hadlaya weerarkan, waxaana weli cadeyn cida ka dambeysa, inkastoo farta lagu fiiqayo malleeshiyaad daacad u ah Iiraan, oo ku firirsan qaar kamid ah wadamada carabta.
Bishii hore ee aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii afar doon lagu weeraray xeebaha wadanka Imaaraadka carabta, kuwaas oo illaa iyo hadda lagu jah wareersanyahay cida ka dambeysa.
Waxaa muuqaneysa inuu Caalamka ka billowday dagaal dhanka badda ah, taas oo dhulka gelin karta dhaqaalaha dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta ee taageera Maraykanka.