
Qarax xoogan ayaa ciidamada Kenya waxaa lagula eegtay deegaan hoostaga gobolka Gaarisa oo kamid ah dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.
Wuxuu ka dhacay qaraxa inta u dhexeysa Sedax goosa iyo Amuuma oo hoostaga Gaarisa, waxaana qaruxu haleeley gaari nooca kooyalka ah oo ay saarnaayeen askar dhowr ah.
Guud ahaan askartii saarneyd ayaa halkaas ku naf waayay, sida laga soo xigtay ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.
Marar badan waxaa deegaannada NFD ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay la kulmaan ciidamada iyo shaqaalaha Kenya, waxaana weeraradaas fuliya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.