
Mihrigal Tursan waa haweeney muslimad ah oo kasoo jeeda dhulka Turkistaanta bari ee ku jira gumeysiga dowladda Shiinaha, sanado jirdil iyo tacdiibin ah kadib waxay ku guuleystay iney kasoo baxsato halkaas, oo ay soo gaarto wadamada reer galbeedka.
Shir jaraa’id oo ay wariyaal ugu qabatay magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka ayay gabadhani waxay faafaahin dheeri ah ka bixisay xaaladda dhabta ah ee ay ku noolyihiin mulsimiinta Turkistaanta bari oo lagu hayo xabsiyo waaweyn oo dusha sare ka furan.
Waxay sheegtay in saddex jeer oo kala duwan xabsi loo dhaadhicyay, islamarkaana waqti kamid ah xilliyadii la xiray ay saraakiisha Shiineesku ay afar maalmood su’aalo weydiinayeen, iyadoo taagan, islamarkaana aan seexan Karin.
Gabadhan muslimadda ah waxay intaa ku dartay in intii ay xirneyd la jirdiley, timaha laga jiiday, korontana jirkeeda lagu qabtay.
“ Waxaan u maleeyey inaan tacdiibka u dhiman doono, waxaan ka codsaday iney si toos ah ii dilaan” ayay tiri mar ay ka hor hadleysay wariyaal ka socday warbaahin kala duwan oo ku sugan magaalada Washington ee Maraykanka.
Markii laga soo daayay xabsiga, waxay Mihrigal Tursan u safartay dalka Masar, si ay halkaas wax uga soo barato, balse waxay sheegtay in 2015-tii ay dib ugu laabatay dhulkeeda, si waqti ay ula qaadatay ehelkeed, kolkaas oo markale xabsiga la dhigay.
Saddex bilood ayay xirneyd, waxaa laga qaatay wiil yaro ay dhashey, inta badan qoyskeedana xabsiga ayaa la dhigay, goor dambe markii lasoo daayay mid kamid ehelka wuxuu dhintay jirdilkii xabsiga loogu geystay, labo kalana waxaa lsoo gudboonatay xaalad caafimaad oo aad u liidata.
Mar ay ka sheekeysay gudaha xabsiga, waxay sheegtay in hal qol ay kula xirneyd lixdan haween ah, hal suuli ayaa la adeegsanayay, waxaana mamnuuc ahaa sida ay sheegeyso in musqusha lasoo xirto, ciidamada ilaalada xabsiga ayaana xilligaas taagan albaabka musqusha.
Halkan ka dhagayso warbixin ku saabsan qisada gabadhan muslimadda ah oo dhameystiran.