
Taliska milliteri ee Waxarridil Mu’miniin ayaa duulaan ballaaran ku qaaday fariisimiyaal ay ku sugnaayeen malleeshiyaad katirsan kuwa Nuseyriyada Bashaar Al-asad, kuna yaala gobolka Aallaadiqiyah oo ah gobol xeebeed dhaca wuqooyi galbeed wadanka Suuriya.
Weerarka oo ahaa mid aad u qorsheysan, islamarkaana ay ka qeybgaleen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee mujaahidiinta ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay buuraha At-turkumaan, oo sanadihii ugu dambeeyay marti gelineysay weeraro iyo dagaallo dhexmaray Jihaadiyiinta Shaam iyo isbaheysiga Nuseyriyada iyo Rawaafida.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska milliteri ee Waxarridil Mu’miniin oo ay ku mideysanyihiin jamaacaad dhowr ah oo ay ugu tun weyntahay Xurraasu-diin ayaa lagu sheegay in howlgalkaas ay Nuseyriayda ku gaarsiiyeen jab xoogan.
Waxaa intaa lagu daray in khasaaraha gaaray Nuseyriayda uu gaarayo 50 askari oo dhimasho iyo dhaawac ah, halka ciidamada Mujaahidiinta ay soo furteen hub iyo saanado kala duwan.
Dhanka kale, gobolka Xammaah ayaa weli waxaa ka soconaya howlgallo ballaaran oo ay fulinayaan jamaacaadka jihaadiga Suuriya iyo kacdoon wadayaasha oo is kaashanaya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay khasaare culus la gaarsiiyay ciidamada Nuseyriyada.
Macrakadan ka socota Xammaah oo loogu magacdaray Al-fatxul mubiin, ayaa illaa iyo hadda waxay Jamaacaadku ku guuleysteen iney la wareegaan deegaanno iyo degmoyin muhiim ah oo katirsan gobolka, kuwaas oo horey ugu jiray gacanta Nidaamka.
Deegaannada qaar ee hadda lala wareegay ayaa wariyaasha soo tabinaya wararka dagaallada waxay sheegayaan iney tahay markii ugu horeysay tan iyo kacdoonka Suuriya oo laga saaro gacanta Nuseyriyada, taas oo ka marqaati kaceysa culeeska dagaallada iyo juhdiga ay bixinayaan Jamaacaadka Jihaadiga.
Maxaabiis dhowr ah oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan nidaamka Nuseyriyada ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana khasaaraha dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay la gaarsiiyay Nuseyriyada lagu qiyaasay boqollaal askari oo dhimasho iyo dhaawac ah.
Dadka degan wuqooyiga Suuriya ayaa aad usoo dhaweynaya howlgalka socda, waxaana furimaha gaaraya dad mutadhawiciin ah oo keligood is xilqaamay, kuwaas oo waxay awoodaan ku taageeraya ciidanka ka dagaallamaya Xammaah.
.