HomeAll newsAs-saaruut, Ciyaaryahan isku bedeley Hogaamiye caan ka ah Fagaarayaasha dagaalka Suuriya.

As-saaruut, Ciyaaryahan isku bedeley Hogaamiye caan ka ah Fagaarayaasha dagaalka Suuriya.

 

Markii uu billowday kacdoonka Suuriya sanadkii 2011-da, wuxuu Cabdil-baasid As-saaruut kasoo tagay garoomadii kubadda cagta, isagoo ku biiray kacdoonnada ay dhigayeen reer Suuriya, kagana soo horjeedaan nidaamka nuseyriyada Bashaar Al-asad.

Cabdil-baasid, intii uu ahaa ciyaaryahanka wuxuu u dheeli jiray kooxo caan ka ah gobolka Ximis, wuxuuna ku soocnaa xirfadiisa kubadda oo wanaagsaneyd, taas oo ka dhigtay in taageero badan ku dhex yeesho dhalinyarada.

Markii uu kusoo biiray kacdoonka, wuxuu caan ku noqday magaca goolhayaha Thowrada, iyo munashidka kacdoonka, wuxuuna qaadi jiray Anaashiid guubaabo ah oo uu dadka ku xamaasad gelinayay.

Balse bilo kadib, kacdoonkii Suuriya wuxuu isku bedelay mid hubeysan, kadib markii malleeshiyaadka Nidaamku ay awood u adeegsadeen kacdoon wadayaasha, As-saaruut iyo saaxibadiisana waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyey ee hubka qaata, kuna sugnaa magaalada taariikhda leh ee Ximis.

Cabdil-baasid As-saaruut, wuxuu kasoo jeedaa qoys suuriyaan muslim ah oo takilifo badan ku bxiyay kacdoonka Jihaadiga ee Suuriya, shan kamid ah walaalihiisa waxay ku dhinteen kacdoonka iyo dagaalka Suuriya.

Aabihiisa, wuxuu dhawaan ku shahiiday duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Idlib, waxaa sidoo kale intaas dheer in shan nin oo abiyaashiisa ah ay ku dhinten dagallada lagula jiro nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-asad.

Maalmihii ugu dambeysay noloshiisa, wuxuu Cabdil-baasid kamid ahaa koox lagu magacaabo Jeyshul Cizza oo kamid ah kooxaha kacdoon wadayaasha Suuriya, wuxuuna ka qeybgalayay dagaallada ka socda gobolka Xammaah ee lagula jiro Nidaamka Bashaar Al-asad.

Mid kamid ah saraakiisha ay wada joogeen furinta ayaa shaaca ka qaaday in Cabdil-baasid uu dhaawac kasoo gaaray garabka iyo caloosha, loona qaaday wadanka Turkiga, halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Shacabka Suuriya ee degan wuqooyiga ayaa aad uga muragooday geerida Cabdil-baasid oo ay u ku tilmaameen inuu ahaa astaan muujineysa kacdoonka, iyo summad ay leeyihiin muslimiinta ku nool dhulka xurta ah ee wuqooyiga Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular