HomeAll newsCiidamada dowladda Oo lagu weeraray magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Oo lagu weeraray magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa lagu weeraray askar katirsan ciidamada dowladda federaalka oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxaa lala eegtay tiro ciidamo ah oo katirsan dowladda, kuwaas oo ku sugnaa bar ay ku qayilaan oo ku taalla xaafadda Shiirkoole ee degmada Hodan.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa loo badinayaa inuu gaaray askarta dowladda, balse lama hayo faafaahin  rasmi ah.

Qaraxan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee magaalada Muqdisho ay ka fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayna la beegsadaan saraakiisha, ciidamada iyo xubnaha dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular