HomeAll newsTrump Oo waqti dheeraad ah ku daray duqeymaha uu ka wado Soomaaliya.(Warbixin)

Trump Oo waqti dheeraad ah ku daray duqeymaha uu ka wado Soomaaliya.(Warbixin)

Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa todobaadkan saxiixay go’aan cusub oo ciidamada Mareykanka u ogolaanaya in ay sii wadaan duqeymaha aan kala sooca lahayn ee ay ka geysanayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Trump oo ay dhakhaatiir Maraykan ah oo kumanaan gaarya ku sheegeen inuu qabo cudur dhinaca dhimirka ah ayaa sanad ku kordhiyey xaaladdii degdega ahayd ee ku soo rogay Soomaaliya.

Wareegto bishii March ee sanadkii 2017-kii kasoo baxday xafiiska Donald Trump ayaa ciidamada Maraykanka waxaa loogu sharciyeeyay inay qaadaan weeraro xagga cirka ah oo lagu beegsanayo ciidamada Mujaahidiinta, iyo cid weliba oo loo maleeyo in ay ka tirsan tahay ama xiriir la leedahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo xitaa aanan la hubsan.

Tan iyo markaasna waxay ciidamada Maraykanku Soomaaliya ka wadaan duqeymo wuxuushnimo oo aan hadaf lahayn kuwaas oo lagu laayey dad aad u fara badan oo rayid ah.

Hay’adda Amnesty International ayaa bishii la soo dhaafay soo saartay warbixin ay ku xaqiijineyso in ciidamada Mareykanka ay laayeen dad badan oo shacab tan iyo markii uu Trump saxiixay wareegtadaas, islamarkaana aysan diyaaradaha Mareykanka kala soocin shacabka iyo dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Gabar dhalneyd 20 cisho oo ku dhimatay duqeyntii Maraykanku ka fuliyay Kuunyo-barrow.

Warbixinta ay soo saartay hay’addan oo keliya lagu soo gudbiyay qeyb yar oo kamid ah duqeymaha uu Maraykanku ka geystay gobolka Sh/hoose ayey ku soo bandhigtay dhacdooyin dhowr ah oo uu Mareykanku ku sheegtay inuu ku beegsaday dagaalyahano ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab balse markii dambe la ogaaday in lagu laayey dad aan waxba galabsan oo shacab ah.

Inkastoo diyaaradaha Mareykanka ay weli sii wadaan duqeymahooda wuxuushnimo, oo loogu daray sanad dheeraad ah iney sii wadaan gumaadkooda, hadana dhanka kale saraakiisha wasaarada difaaca ee Mareykanka waxay sheegayaan iney u taag la’yihiin dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya, kaas oo qadanaya waqti aan cayinneyn.

Dagaalka ka socda Soomaaliya ayaa ah mid ku xiran ciidamada gaarka ee Mareykanka oo doonaya inay tababaraan cutubyo ciidamo oo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo Somaali ah, si ay awood ugu yeeshaan inay wiiqaan awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

marka laga soo tago ka qeyb galka dagallada, Maraykanku wuxuu tabaraa ciidamo Soomaali ah.

Arintan ayaa ah balanqaad uu Mareykanka u sameeyey dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, waxayna timid ka gadaal markii uu madaxweynaha Mareykanka saxiixay qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada Mareykanka ee jooga furimaha kala duwan ee caalamka, lagana soo bilaabayo wadanka Suuriya.

Inkastoo saraakiisha wasaarada difaaca ee Mareykanka ay ku andacoonayaan inay hormaro ka sameeyeen dagaalka Soomaaliya, hadana dhanka kale waxay sheegayaan in qorshaha tababarka ee ciidamada Soomaalida uu qaadan doono ilaa 2026-ka, taas oo micnaheedu yahay in muddo 7 sano oo hadda soo socota uu dagaalka Shisheeyuhu kaga jiraan Soomaaliya noqon doona mid u baahan taageerada tooska ah ee ciidamada Mareykanka.

Hadda waxaa Soomaaliya jooga cutubyo ciidamo American ah oo saraakiisha wasaarada difaaca ee Mareykanka ay tiradooda ku sheegtay inay u dhexeyso 500 ilaa 600 oo askari, kuwaas oo ciidamada Africaanta iyo dowladda ka taageera dagaalka ay ku hayaan wilaayaadka islaamiga ee lagu maamulo Shareecada Islaamka.

Saraakiil Maraykan ah oo tababaraya malleeshiyaad Soomaali ah.

Howsha ugu badan ee ciidamadan Ameericaanka ah qabanayaan ayaa lagu sheegay inay tahay talooyin ku aadan weerarada, iyo tababar la siinayo ciidamada Soomaalida, si ay fuliyaan ujeedooyinka iyo ahdaafta dowladda Maraykanku ka leedahay dalkan muslimka ah ee dhaca geeska Africa.

Pentagon-ka ayaa sheegay in hadda uu tababaray ciidamo gaaraya ilaa 500 oo askari oo loogu magacdaray Danab, lana doonayo in la gaarsiiyo 3000 askari, kuwaas oo si toos ah uga amar qaata Marayknaka, ciidamada Maraykankana ku wehliya weerarada habeen guureynta ah ee ay kusoo qaadaan deegaannada nabdoon ee wilaayaadka islaamiga.

Waxaan u maleyneynaa in ay howshan qaadan doonto muddo 7 sano ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaarada gaashaandhigga oo la hadlay shabakada CNN ee laga leeyahay dalka Maraykanka.

Istaraatiijiyada ay hadda ku howlgalayaan ciidamada Mareykanka, Afrikaanta iyo kuwa dowladda ayaa qeyb ka ah istaariijiyad lagu dejiya shir bishii May ee sanadkii 2017-ka ka dhacay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, halkaas oo dowlado ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Itoobiya iyo wakiilo ka socday ururada caalamiga ah ay ku gor feeyeen qorshahooda ku aadan duulaanka Soomaaliya.

Isbaheysiga Afrikaanta ee loogu magacdaray AMISOM ayaa muddo sanado ah hogaanka u hayey dagaalka ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed iyo Mujaahidiinta oo is kaashanaya, balse 10 sano ka dib waxaa la arkay inay sii xoogeysatay awoodda Mujaahidiinta, ayna cagta mariyeen saldhigyada military ee ciidamadii Shisheeyaha ee la filayey inay guul kasoo hooyaan dagaalka.

Ciidamada AMISOM waxay ku fashilmeen dagaalka Soomaaliya.

Saraakiisha Mareykanka waxay amaaneen tababarada ay dowladaha Turkiga iyo Imaaraatka siiyaan ciidamo soomaali ah, balse Saraakiishu waxay dhaliileen ciidamada ay tababareen midowga Yurub oo gaaraya ilaa 6,000 oo askari kuwaas oo ay sheegeen inay isku badaleen maleeshiyo beeleedyo u adeega shakhsiyaat gaar ah.

Inkastoo Mareykanka uu malaayiin lacago ah iyo dhiigga askartiisa u hurayo dagaalka uu kaga jiro Soomaaliya iyo ka hortagga halista amni ee uga imaaneysa mujaahidiinta, hadana weli kuma guuleysan iney goob nabdoon ka dhigaan magaalada Muqdihso.

Warbixinta CNN-ka waxay sheegeysaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weli awood u leedahay iney qorsheyso, isku dubarido, ka dibna fuliso howlgalada abaabulan ee lagu qaadayo xarumaha dowladda. Amaanka Muqdisha iyo duleedyadeedana uu yaahy mid halis ah oo aan la isku halleyn karin.

Weli waan ku lug leenahay howlgal waliba oo ay qaadaan ciidamada Soomaalida oo weli iskuma filnaanin” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaarada dagaalka ee Maraykanka oo la hadlay CNN.

Go’aanka cusub ee ka soo baxay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kusoo aaday iyadoo ra’isul wasaaraha dowladda Xassan Cali Kheyre uu booqday aqalka cad ee Mareykanka, kana codsaday madaxda Mareykanka in laga caawiyo dagaalka ay dowladiisu kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Kheyre oo la taagan la taliyaha Amniga ee Trump.
RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Marayakan ku Wuxu dabolaya guul darooyin kaso garay calamka qaybo kamida. Wuxu ku caro bur buraya shacab ka somaliyed. Lkn wuxu moog yaha nin ilahey sidhaba u rumeye inan cidna wax ka qaadi karin. Taasi Waxay dhalinaysa dad jihaad ka ka hurday inay sufuuf ta hore soo buuxiyan. Bi idni laah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular