Wasiirka gaashandhiga xukuumadda Suudaan Ciwad bin Cowf ayaa ku dhawaaqay in talada laga guuray madaxweynihii waqtiga dheer maamulayay dalka Suudaan ee Cumar Xasan Al-bashiir.
Bayaan uu ka jeediyay telefeshinka rasmiga ah ee dowladd Suudaan ayuu wasiirku ku sheegay in wadanka la geliyay marxalad kumeel gaar ah oo soconeysa labo sano, taladana ay gacanta ku haynayaan milliteriga.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirku in xaalad deg deg ah oo soconeysa 3 bilood oo kaamil ah lagu soo rogay dalka.
Arinka ugu xasaasisan ayaa ah in Ciwad uu ku dhawaaqay iney xabsiga dhigeen madaxwynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, kaas oo ay ku eedayeen inuu dhibaato u horsoodey shacabka Suudaan.
Durba shacabka ayaa diiday bayaanka kasoo baxay milliteriga, waxayna sheegeen ineysan u kacdoomin in maamul afgembi ay ku bedesheen maamul kale oo afgembi ah, waxayna sheegeen iney sii wadi doonaan banaanbaxyada.