Magaalada Al-khardhuum ee caasimadda dalka Suudaan waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah oo ka duwan sida uu jawiga ahaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana magaalada isku faafiyay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga.
Saraakiil katirsan milliteriga Suudaan ayaa galay xarumaha Telefeshinka iyo Idaacadda Suudaan, iyagoona joojiyay wararkii iyo barnaamijyadii socday, waxaana lagu dhawaaqay ogaysiis ah in goordhow la baahin doono bayaan rasmi ah.
Warar ay wakaaladaha caalamka qorayaan ayaa xaqiijinaya in saraakiisha milliteriga Suudaan ay ku wargeliyeen Al-bashiir inuusan ahayn madaxweynaha wadanka Suudaan, taas oo ka dhigan in afgembi ay ku dhawaaqi rabaan ciidamada.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Al-khardhuum ayaa gebi ahaanba la xiray, waxaana la diiday iney ka duulaan diyaaradaha, iyadoona lagu soo waramaya in ciidamadu ay xireen masuuliyiin sar sare oo uu ku jiro kuxigeenkii hore ee Cumar Xasan Al-bashiir.
Shacabka Suudaan ayaa weli hortaagan afaafka xarunta wasaaradda gaashandhiga, waxayna diidanyihiin iney joojiyaan bananabaxyada, iyagoona ka dhur sugaya waxa uu ka hadli doono bayaanka ay soo saari rabaan Milliteriga.
Xaaladda ayaa u muuqato afgembi horudhac ah, waxaana suuragal ah iney milliterigu talada la wareegaan.