HomeAll newsQarax ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qarax ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa wadada aadka amaankeeda loo ilaaliyo ee Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka.

Col Koronto ayaa qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay laamiga Makka Al-mukarrama gaar ahaan isgoyska Shaqaalaha.

Goobjoogayaal aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in qaraxa uu burburiyay gaariga uu watay korneelka katirsan ciidamada Police-ka dowlada, waxaana si dirqi ah ku badbaaday Col. Koronto.

Qaraxan wuxuu kusoo aaday iyadoo wadooyinka magaalada Muqdisho ay xiranyihiin intooda badan, dowladana ay Muqdisho kaga dhawaaqday howlgallo lagu baarayo xaafadaha magaalada si loo adkeeyo amaanka faraha kasii baxaya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada iyo howlgallada qorsheysan ee ay ka fulineyso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular