HomeAll newsDiyaarad Dagaal Oo Maraykanka Looga soo riday Afqaanistaan.

Diyaarad Dagaal Oo Maraykanka Looga soo riday Afqaanistaan.

Ciidamada difaaca cirka ee Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa dhulka soo dhigay diyaarad dagaal oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda Maraykanka ee duulaanka ku jooga wadankaas.

Diyaaradda lasoo riday waxaa nooceeda lagu sheegay B52, waxaana ay ku dhacay deegaanka Waashiir ee gobolka Helmand, koonfurta Afqaanistaan, gaar ahaan meel u dhow saldhiga Shawaarib oo horanatii bishii Marso ee sanadkan marti geliyay weerar weyn oo lagu dilay 357 ruux, oo 137 ay ahaayeen ciidamo iyo saraakiil Maraykan ah.

Warar horudhac ah oo laga helayo diyaaradda ay ciidamada Mujaahidiintu dhulka soo dhigeen ayaa tibaaxaya in dhamaan askartii saarneyd diyaaradda ay geeriyoodeen, waxaana goobta ay diyaaraddu ku dhacday ka kacay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa sheegatay masuuliyadda diyaaradan dowladda Maraykanka leedahay ee lagu soo riday Afqaanistaan, waxaana Afhayeenka Imaarada Qaari Yuusuf Axmadi uu ballanqaaday inuu soo gudbin doonno faafaahin dheeri ah oo ku aadan khasaarha ka dhashay diyaaradda soo dhacday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular