HomeAll newsPentagon: Askar ayaa nooga dhimatay Qarax ka dhacay Afqaanistaan.

Pentagon: Askar ayaa nooga dhimatay Qarax ka dhacay Afqaanistaan.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo Maraykan ah oo ka dhacay dalka Afqanaistaaan looga dilay askar dhowr ah.

Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay inay qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga saldhiga Bagram ee u dhow magaalada Kaabul looga dilay 3 askari oo Maraykan ah iyo mid afaraad oo katirsan shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee ka howlgala Afqaanistaan.

Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay gaariga lala helay oo ahaa nooca ay ciidamada Maraykanku adeegsadaan, waxaana la rumeysanyahay in khasaaraha uu ka badnaan karo inta uu Maraykanku sheegtay.

War kooban oo kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan (Dhaalibaan) ayaa lagu sheegtay masuuliaydda weerarka khasaaraha gaarsiiyay ciidamada Maraykanka, wuxuuna howlgalku qeyb ka yahay camaliyadda Al-khandaq ee ka socota dalkaas.

Weerarada iyo dagaallada khasaaraha gaarsiinaya Maraykanka ayaa sii kordhayay mudooyinkii lasoo dhaafay, xilli dowladda Maraykanka ay dooneyso iney ciidamadeeda kala baxdo wadanka Afqaanistaan oo 18-kii sano ee lasoo dhaafay ay duulaan ku joogeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular