
Dowladda Bakistaan ayaa eedayn ujeedisay dalka dariska la ah ee Hindiya kaasi oo ay kala dhaxayso colaad muddo soo jirtay oo ku aadan lahaanshiyaha gobalka lagu muranyahay ee Kashmiir.
Paksitaan ayaa sheegtay in Mas’uuliyad daro tahay in Hindiya ay isku diyaariso dagaal iyadoo qeexday inay cadeymo uhayaan dagaalka ay qorshaysay dowladda Hindiya.
Labada dal ayaa xiisad waxa ay soo kala dhex gashay Bishii Febraayo iyagoo muddo kadib is weedaarsaday duqeymo diyaaradeed oo dhaliyay khasaaro kala gaaray labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha dibada Pakistaan Shaah Maxamuud oo qabtay shir jaraaid ayaa sheegay inay heleen xogo muujinaya weerarka ay qorshaysay Dowladda Hindiya oo dhici doona Bisha aynu ku guda jirno ee Apriil.
“Weerarka ay qorshaysay Hindiya waxa uu dhici doonaa 16-ka bishaan April ilaa 20 bishaan”ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibada Pakistaan.
“Waxaan ogahay in erey kasta oo aan sheegayo inuu noqon doono cinwaanada ugu muhiimsan uguna sareeya saxaafada Caalamka”ayuu raaciyay hadalkiisa isagoo isku muujinayay inuu kalsooni uu ku qabo xogaha uu la wadaagayo warbaahinta ee ku aadan dagaalka dalkiisa ka dhanka ah ee ay qorshaysay Hindiya.
Wasiirka Arrimaha dibada Pakistaan ayaa xusay in qorshaha Hindiya uu yahay Mid kordhinaya cadaadiska dublumaasiyadeed ee dalkiisa.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya oo Lagu magacaabo Ravish Kumar ayaa ka jawaabey eedeymaha kaga yimid Pakistan ee ku aaddan in Hindiya ay weerar ku tahay Pakistaan.
Wuxuu intaas ku daray in sheegashadaasi Pakistaan ay fariin udireysay in wuxuu ugu yeeray Argagaxisada ku sugan Pakistaan ay weeraro hor leh ku qaadaan dalka Hindiya.
Labada dal ee ku hubaysan hubka Niyuklerka ayaa waxaa markale ka dhex qarxay xiisado colaadeed markii 14-kii bishii Febraayo ay ciidanka Jeyshu Muxumed qaadeen weeraro lagu dilay 40 Askari oo udhashay Hindiya,waxaana Pakistaan ay iska fogeysay in xiriir ay la leedahay jamaacadaas.