HomeAll newsDEG-DEG: Ciidamada Sirdoonka dowladda oo Weeraray Masjidka Abuu Hureyra.

DEG-DEG: Ciidamada Sirdoonka dowladda oo Weeraray Masjidka Abuu Hureyra.

Saladda casir kadib, ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa sida dhow ula shaqeeya Maraykanka, wejiyadana duubta ayaa weerar ku qaaday masjidka caanka ah ee Abuu Hureyra, kuna yaala suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ciidamada ayaa la sheegay iney isku geedaameen masjidka, xilli ay dadku tukanayaan salaadda Casirka, waxaana markii salaadda laga baxay kadib gudaha masjidka kabahooda la galay qaar katirsan Askarta.

Waxay baartiaan kula dhaqaaqeen dadkii masjidka ku tuktay, iyagoona markii dambe goobta ka watay dhowr ruux oo uu ku jiro Imaamka Masjidka Abuu Hureyra Macallin C/raxmaan Guure.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arinkan, balse masjidka waxaa ka socday sanadihii lasoo dhaafay olole dacwo oo ballaaran, iyadoona laga akhrinayay Tafsiirka Quraanka Kariimka iyo kutubta Axaadiista Nabiga Sallallaahu Celyhi Wasallam.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular