HomeAll newsGaari Gaashaan oo Shisheeyaha Looga gubay Buula-Mareer.

Gaari Gaashaan oo Shisheeyaha Looga gubay Buula-Mareer.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in qarax culus lala beegsaday gaari gaashaman oo ay la socdeen ciidamo katirsan Shisheeyaha AMISOM.

Qarax ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Buula-Mareer ee Shabeellaha hoose, waxaana gebi ahaanba burburay gaariga la qarxiyay.

Ciidamadii saarnaa gaariga ayaa la xaqiijiyay in dhamaantooda ay dhinteen, mana jiro askari ka badbaaday.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha ba’an gaarsiiyay ciidamada Shisheeyaha.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular