Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xalay fuliyay howlgallo kala duwan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Banaadir.
Degmooyinka deriska ah ee Hodan iyo Howlwadaag ayaa ciidamada Mujaahidiinta waxay ku weerareen askar katirsan kuwa dowladda federaalka.
Qaraxyo waaweyn ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku kala sugan labada degmo, waxaana qaraxyada kadib ay rasaas u fureen jihooyin kala duwan.
Sidoo kale rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xaafadda Weydow ee nawaaxiga Ex-control Afgooye waxay ku dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka.
Howlgallada kala duwan ee ka dhacaya Muqdisho ayaa sii kordhaya marba marka ka dambeysa, xilli dowladdu ay xaalad deg deg ah gelisay magaalada, kuna dhawaaqday howlgal lagu sugayo amaanka caasimadda oo faraha kasii baxayay.