Fiidki caawa, qarax aad u culus ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo lagu weeraray saraakiil katirsan ciidamada Police-ka iyo kuwa Ammaanka ee dowladda federaalka.
Qaraxa oo si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay kasoo horjeeda xerada Iskool Buluusiyo ee gobolka Banaadir.
Xogo la helayo waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay ku xoonsanaayeen saraakiil katirsan ciidamada Police-ka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyadda qaraxan weyn ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu kusoo aaday iyadoo dowladdu ay xaalad deg deg ah gelisay gobolka Banaadir, kana wado howlgallo baaritaanno ah.
Dad badan ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay ku guuleysteen dagaalka dhinaca amniga ah ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana ay awood u leeyihiin in xilliga ay doonaan ay beegsadaan xarumaha dowladda federaalka iyo saldhigyadeeda.