HomeAll newsXaftar oo duulaan ku ah magaalada Tripoli caasimadda Liibiya.

Xaftar oo duulaan ku ah magaalada Tripoli caasimadda Liibiya.

Boqollaal askari oo ka amar qaata dagaal ooge Khaliifa Xaftar ayaa isku diyaarinaya duulaan ay ku qaadaan magaalada Tripoli ee caasimadda wadanka Liibiya, halkaas oo ay ka jirto xukuumad ay reer galbeedku taageeraan.

Wararka ka imaanaya galbeedka Liibiya ayaa ku waramaya in malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ay soo gaareen magaalada Al-asaabica ee hoostagta Tripoli, halkaas oo ay is rasaaseyn ku dhexmartay iyaga iyo askar ka amar qaata dowladda taagta daran ee reer galbeedka ay taageeraan.

War kooban oo kasoo baxay howlgalka loogu magacdaray Al-karaama ee Khaliifa Xaftar ayaa lagu sheegay in ciidamada lagu wargeliyay iney qaadaan howlgal ballaaran oo ka dhacaya galbeedka wadanka Liibiya, kaas oo la sheegayo in lagu beegsanayo waxa loogu yeeray “ haraadiga jamaacaadka argagaxisada” oo ay ula jeedaan Jamaacaadka jihaadiga.

Xukuumadda Al-wifaaq ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli ayaa sheegtay iney ka hortageyso duulaanka lagu soo hayay xarunteeda, waxaana ciidamo ay u dirtay deegaannada hoos yimaada magaalada caasimadda ah.

Xiisadan dagaal ayaa kusoo aadeysa, iyadoo magaalada Dharaabulis ama Tripoli uu booqasho ku joogo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio, kaas oo sheegay inuu qabanayo kulan lagu heshiisinayo kooxaha ay reer galbeedku wataan ee isku haya talada wadanka Liibiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular