HomeAll newsAkhriso: Magacyada Xubnihii ku dhintay Qarixii Muqdisho.

Akhriso: Magacyada Xubnihii ku dhintay Qarixii Muqdisho.

Waxaa la helay macluumo dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerar qarax ah oo ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa waxaa ku dhintay inkabadna 10 ruux, waxaana dadka magacyadooda la helay kamid ah:-

C/Qaadir Xasan Cabdi oo ahaa xildhibaan katirsanaa dowladdii Shariif Sheekh Axmad, Cali Cadde oo ahaa agaasime wazaaradeed,C/Risaaq Gaadaco oo kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, C/Fataax oo ahaa xubin katirsan wasaaradda Dastuurka ee dowladda federaalka.

Waxaa sidoo kale dhinta Maxamed Nageeye oo ahaa sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir, Cawil oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada iyo Ibraahim C/Raxmaan oo kamid ahaa wasaaradda Dastuurka.

Saraakiisha iyo shaqaalaha kale ee dhaawacmey waxaa kamid ah Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ah wasiirka xanaanada xoolaha ee maamulka HirShabeelle, Yuusuf Cali Ceynte oo isaguna ah Xillibaan hore, Maxamed Deeq oo ah agaasime wasaaradeed katirsan wasaaradda Kalluumeysiga, Guulleed oo kamid ahaa saraakiisha Police-ka, iyo kuwa kale oo badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular