Xillibaan katirsan maamulka Xabashida hoostaga ee ka dhisan dhulka gumeysiga ku jira ee Soomaali-galbeed ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan labo ruux oo shacab ah.
Xillibaan Bashiir Diiriye Camey oo katirsan maamulka Xabashida ee ka dhisan Soomaali-galbeed ayaa deegaanka Jarati ee gobolka Afdheer ku dilay labo ruux oo la sheegay iney kala dhexeysa muran salka ku hayo dhul beereed.
Dhulka uu Xillibaankan ku doodayo ayaa waxaa siiyay maamulkii Ina Ilay ee halkaas ka jiray, waxaana markii maamulkaas uu meesha ka baxay dadkii horey looga xoogay dhulka ay billaabaan dacwad ka dhan ah Xillibaanka.
Warbaaahinta qaar ayaa ku waramaya in xabsiga la dhigay xillibaanka dilka geystay iyo labo nin oo la socotay, waxaase dad badan ay sheegayaan iney u muuqato tallaabo lagu dejinayo carada dadka, suuragalna ay tahay in ugu dambeyn lasii daayo.
Gudoomiyaha ugu magacaaban maamulka Xabashida ka amar qaata ee dhulka Soomaali-galbeed deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in halkaas ay joogto ka tahay kiisaska la xiriira muranka dhinaca dhulka, waxaana jirin maxkamado cadaalad ah oo dadka kala saara.