HomeAll newsTaliyaha ciidamada Police G.Banaadir iyo Korneel milliteri Oo lagu Weeraray Muqdisho iyo...

Taliyaha ciidamada Police G.Banaadir iyo Korneel milliteri Oo lagu Weeraray Muqdisho iyo Kismaayo.

Weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa lagu qaaday sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa guri uu xaafadda Fiya Afmadow ka degnaa korneel Maxamed Buulle ku weeraray, waxaana korneelka gaaray dhaawac halis ah.

Isbitaal ku yaala gudaha magaalada Kismaayo ayaa la dhigay korneelka oo xaaladiisu aad u liidato, waxaana masuuliyadda howlgalka lagu beegsaday sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada Police-ka gobolka Banaadir Saadaq John ayaa xalay lagu weeraray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Gaari uu saarnaa taliyaha ayaa qarax lagula eegtay isagoo maraya xaafadda Laba dhegax ee degmada Wardhiigley, waxaana qaraxa inkastoo uu isagu ka badbaaday hadana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar katirsan ilaaladiisa.

Saadaq John ayaa hore u ahaa taliyaha ciidamada sirdoonka dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho, balse markii ay fashilmeen ayaa loo geliyay tuutaha Police-ka, waana nin caan ku ah tacadiyo iyo gabood fallo ka dhan ah reer Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada iyo ugaarsiga ay ku heyso saraakiisha ciidamada dowladda, waxaana dhinac kale joogta ah weerarada lagu beegsanayo ciidamada Shisheeyaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular