Wadanka Aljeeriya waxaa weli ka soconaya bananabaxyada ka dhanka ah Cabdil-caziiz Butafaliqa, kaas oo 20 sano maamulaya shacabka wadankaas.
Milliteriga wadanka Aljeeriya oo ahaa ciidanka ilaalinayay xukunka labaatanka sano jirsaday ayaa waxaa muuqaneysa in isbedel uu kuyimid, ka gadaal markii ay si toos ah uga codsadeen Butafaliqa inuu is casilo.
Axmed Qaayid Saalax oo ah taliyaha guud ee ciidamada Aljeeriya ayaa kalimad uu ka jeediyay telefeshinka wadankaas, wuxuu sheegay iney muhiim tahay in Butafaliqa uu isbedel sameeyo, una tanaazulo rabitaanka shacabka.
Wuxuu intaa ku daray Axmed Qaayid, in ciidamada ay ka go’antahay iney ilaaliyaan wadanka Aljeeriya, sidaas oo ay tahayna lama huraan ay tahay in Butafaliqa uu tanaazulo, maadama dadka shacabka ah ay ka go’antahay iney sii wadaan bananabaxyada.
Hadalka taliyaha ciidamada Aljeeriya, wuxuu yimid kadib markii u safar ku tagay wadanka Imaaraadka, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxda wadankaas, iyadoona loo badinayo in lasoo siiyay talooyin iyo lacago badan.
Dad badan ayaa hadalka taliyaha ciidamada Aljeeriya ku tilmaamay mid muujinaya halista soo socota, haddii ay talada gacanta u gasho millteriga, waxanaa shacabka Aljeeriya ay ciidamada ugu baaqeen iney faraha kala baxaan xaaladda hadda taagan.