Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qeybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxay ku dileen sarkaal katirsan Sirdoonka dowladda federaalka iyo Askari ilaalo u ahaa.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Caddaan Cali Maxamed iyo istaafkiisa ayaa lagu dilay nawaaxiga Jiira Wacbuudhan ee degmada Kaaraan, waxaana raggii dilka geystey ay ka dhaqaaqeen goobta.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka Sarkaalkan katirsan PS-ta iyo istaafkiisa, waxaana uu qeyb ka yahay dilalka joogtada ka ah Muqdisho ee loo geysanayo saraakiisha dowladda.