HomeAll newsShirkad Ajnabi Ah oo Ka Faa’iideysatay Xaraashkii Ay DF Ku Sameysay Kheyraadka...

Shirkad Ajnabi Ah oo Ka Faa’iideysatay Xaraashkii Ay DF Ku Sameysay Kheyraadka Dalka.

DF oo bil ka hor magaalada London ee dalka Ingiriiska ku xaraashtay kheyraadka ku jira dhulka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii shirkadda SSMG u saxiixday iney soo saarato shidaalka iyo macdanta, taasoo looga badalanayo lacag yar oo aan waliba cadadeeda la sheegin.

Munaasabad lagu kala saxiixanayay heshiiskan ayaa maalintii shalay ka dhacday xerada Xalane waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, shirkado reer galbeed ah iyo madaxda shirkadda usoo tafa xaydatay boobka kheyraadka dalka.

Dowladda waxaa shirkan ku matalayay Wasiirka Batroolka, C/rashiid Max’ed Axmad oo isagu ahaa ninka qalinka ku duugay heshiiska.

Madaxda u hadashay shirkadda SMMG ayaa sheegay iney soo uruuriyeen macluumaad ku saabsan meelaha laga heli karo shidaalka, macdanta, saliida iyo gaaska ee Soomaaliya, iyagoo xusay iney heleen warbixinno badan oo ay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga ka diyaariyeen kheyraadka dalka.

Wasiirka Batroolka ee DF ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay shirkaddan oo dabcan badashay shirkaddii hore ee Soma Oil And Gas oo lagu aasaasay shirkii London lagu qabtay xilligii dowladdii Xassan Sheekh.

Xildhibaan Maxmaad Cumar Dhalxa oo habeen hore wareysi siiyay idaacadda Al-furqaan ayaa sheegay in dowladaha reer galbeedka ay Baarlamaanka kusoo darsadeen dad u heellan dhaqan galinta danahooda gurracan ee ay ka leeyihiin Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular