Iyadoo dalka Venezuela uu weli lugaha kula jiro muran siyaasadeed oo ka dhashey khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha wadankaas iyo gudoomiyaha baarlamaanka, kaas oo markii dambe isku magacaabay madaxweyne, ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in Ruushku ciidamo u diray wadankaas.
Labo diyaaradood oo noocyada xamuulka iyo rakaabka qaada ah ayaa ka degtay garoonka magaalada Karakas ee caasimadda Venezuela, kuwaas oo wada sahay iyo ciidamo katirsan dowladda Ruushka.
Sida ay xaqiijinayaan wararka la helayo, Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Ruushka ayaa hogaaminaya askartan loo diray wadankas oo tiradooda lagu sheegay illaa boqol askari, waxaana la ogeyn ujeedkooda rasmiga ah.
Dowladda Ruushka ayaa siyaasad ahaan waxay u dhowdahay madaxweynaha ay Maraykanku isku dhacsanyihiin ee Maduro, waxaana imaanshaha ciidamada Ruushka uu imaanayaa iyadoo warbixinnada qaar ay sheegayeen in Trump uu doonayo inuu duulaan ku qaado wadanka Venezuela.
Safaaradda Ruushka ee Venezuela oo wax laga waydiiyay warbixinnadan isasoo taraya ee sheegaya in ciidamo Ruush ah la geeyay wadankaas ayaa ka gaabsatay iney wax jawaab ah ka bixiso.