Xildhibaan Maxamad Cumar Dhalxa oo kamid ah Baarlamaanka Federalka ayaa ka hadlay weeraradii waaweynaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu beegsaday laba Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda Kheyrre.
Wuxuu sheegay inuu aad uga murugooday khasaarihii ka dhashay weerarada gaar ahaan geerida Wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Saqar.
Mar aan wax ka weydiinayay sababaha keenaya in si joogto ah loo galo xarumaha dowladda ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin mas’uuliyad amaba dadka xilalka hayaahi ay yihiin kuwa aan ku munaasab ahayn.
Xarakada Al-Shabaab ayaa mar walba sheegta in ujeedooyinka dagaalkeeda ay kamid yihiin shisheeyaha wadanka kusoo duulay ee kheyraadka ummada boobaya, waxaana uu Xildhibaanku ka marqaati kacay jiritaanka arrintaas, isagoo waliba si gaar ah farta ugu fiiqay dad badan oo qurbaha laga keenay oo ka shaqeynaya danaha shisheeyaha kana mid ah golayaasha dowladda.
Halkan ka dhagyaso Waraysiga Xillibaan Dhalxa uu siiyay Al-Furqaan.