HomeAll newsAl-Shabaab oo ka hadlay Sababaha ay u beegsadeen Wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha...

Al-Shabaab oo ka hadlay Sababaha ay u beegsadeen Wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha guud.

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdil-caziiz Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay weeraradii weynaa ee ay ciidamadooda ku qaadeen xarumaha wasaaradaha Shaqada & Shaqaalaha iyo tan howlaha guud ee dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay sheekhu in wasaaradahaas ay ku howlanayeen labo arimood oo halis ah, sida uu  sheegay oo ay kamid tahay iney ciidamo u qoraan dowladda federaalka, xaafadaha magaalada Muqdishana ku faafiyaan dad basaas ah oo u kuur gala dhaq-dhaqaaqayada culimada iyo dadka kasoo horjeeda Shisheeyaha.

Sheekh Abuu Muscab ayaa xaqiijiyay in weeraradaas ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray masuuliyiin, xubno iyo Saraakiil katirsan dowladda federaalka.

Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa dhinac kale heshey magacyada qaar kamid ah dadkii dowladda federaalka uga dhintay weeraradii Wasaaradaha, waxaana ugu weyn wasiir ku xigeenkii wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, ahaana xillibaan katirsan baarlamaanka oo lagu magacaabo Saqar Ibraahim Cabdalla.

Cabdi Yoonis Maax oo ahaa madaxa shaqaalaha ee Wasaarada shaqada ayaa sidoo kale dhintay.

Waxaa dadka dhintay sidoo kale ku jira  Liibaan, Axmad Duqoow, Cabdi Cadde, Jamaal Faarax oo dhamanatooda kamid ahaa ahaa madaxda iyo saraakiisha wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowladda federaalka.

Sidoo kale waxaa jira Saraakiil katirsan wasaaradaha la weeraray oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, waxaana kamid ah Cabdi Wali Jaamac, oo ahaa agaasime ku xigeenka wasaaraadda Howlaha guud, Feysal Koore o ahaa agaasimaha Isgaarsiinta iyo arimaha bulshada ee wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Siciid Kunteenar oo isna ah agaasimaha waaxeed katirsan wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Halkan ka dhagayso Sheekh Abuu Muscab oo ka hadlay weeraradii Wasaaradaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular