HomeAll newsDiyaarado Xalay Duqeeyay Iskuul & Guryo Shacab oo Ku Yaalla Bu'aale.

Diyaarado Xalay Duqeeyay Iskuul & Guryo Shacab oo Ku Yaalla Bu’aale.

Diyaarado dagaal ayaa habeenkii xalay duqeyn ka geystay magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubooyinka abaaro afartii saac ee habeennimo xilligaasoo dadka intiisa badan hudayeen, waxaana ay beegsadeen goob wax barasho iyo guryo shacab degganaayeen.

Diyaaradaha ayaa madaafiicdii ugu horreysay ku riday iskuul cusub oo dhawaan laga afuray magaalada laguna magacaabo Qurdhuba kaasoo lagu barto culuumta sharciga ah, balse Alle mahadi cidina wax kuma noqon maadaama aanan habeenkii la jiifan. Qof ku sugan Bu’aale ayaa inoo sheegay in iskuulka ay ka muuqanayaan firiro aan sidaa u badnayn.

Sidoo kale waxay duqeeyeen laba guri oo ay shacab degganaayeen. Midkood waa uu burburay laakin Alle ayaa ka badbaadiyay reerkii degganaa kuwaasoo isaga cararay ka hor inta aan la soo duqeyn, halka guriga kale ay wax yeello aan sidaa u badnayn soo gaartay.

Intaa waxaa dheer iney gantaal ku rideen dad shacab ah oo dhanka beeraha u cararay kuwaasoo ku sasay duqeynta, hase ahaatee ma jirto cin wax ku noqotay gantaalkaasi. Shariif Shaaric oo kamid ah wax garadka magaalada ayaa inoo sheegay in duqeyntan loo maleynayo iney geysteen Mareykanka iyo Kenya.

Xaaladda magaalada Bu’aale ayaa saaka deggan waxaana ay dadku u kala jarmaadeen kasab iyo tacliin. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay duqeyn noocan ah shisheeyuhu u geystaan magaaladan. Dhacdadan ayaa waxay kusoo aaday iyadoo dhawaan hey’adda Amnest International ay Mareykanka ku eedeysay iney xasuuqo dadka rayidka ah.

Dad badan oo markii hore aaminsanaa in dagaalka uu u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo shisheeyaha ayaa hadda aaminsan in dalka lagu soo qaaday duullaan ka dhan ah qof walba, waana arrin keeni karta in dad badan ay ku biiraan dagaalyahannada Al-Shabaab, sida ay horey usii sheegeen dad siyaasiyiin ah.

Halkan Ka Degso Mid Kamid Ah Wax Garadka Bu’aale oo Ka Waramay Duqeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular