
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa billowday iney kasoo guurto wadankaas, kuna soo laabato Soomaaliya, kadib dhibaatooyin xoogan oo soo food saaray.
Warbaahinta Ingiriiska iyo kuwa ka hadla arimaha Africa ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida degan Ingiriiska ay billaabeen in caruurtooda kusoo celiyaan wadanka Soomaaliya, kadib markii ay soo bateen weerarada lagu beegsanayo caruurtooda.
Magaalada London oo aah caasimadda wadanka Ingiriiska, ayna ku noolyihiin Soomaali badan ayaa laga soo sheegayaa iney kusoo bateen kooxaha drugska isticmaala ee dilaya caruurta da’da yar, gaar ahaan kuwa muslimiinta ah.
Qof soomaali ah oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay boqollaal caruur Soomaali ah lagu celiyay wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii uu sheegay in wadanka Ingiriiska ay kusoo bateen falal dembiyeedyada ka dhanka ah caruurta ee ay ka geysanayaan kooxaha gangistarrada.
Kooxaha gangistarrada ayaa la sheegay iney ugaarsanayaan caruurta da’da yar, xilliyada ay aadayaan goobaha waxbarashada ama Masaajidda, waxaana micno la’aan u dilayaan caruurta, iyadoo aysan jirin wax hadaf gooni ah oo ay leeyihiin.
Hooyo Soomaali ah oo wiilkeeda oo 19 jir ah kala soo carartay Ingiriiska, hadana ku sugan magaalada Mombasa ee wadanka Kenya ayaa sheegtay iney go’aanstay inaaney ku laaban Ingiriiska, sababo ku aadan iyadoo u baqeysa badqabka wiilkeeda oo 19 jir ah.
“haddii aan ku laabto Ingiriiska waxaan ka baqayaa in la dilo wiilkeyga, oo ay kooxaha Gangistarradu soo waaan maalin kasta” ayay tiri hooyadan soomaalida ah.
Wiil 15 jir soomaali ah ah ayuu wargeyska Observer ee kasoo baxa Ingiriiska, wuxuu sheegay in loo diray Soomaaliya, kadib markii ay u hanjabeen kooxo mukhaadaraadka isticmaala, oo ugu goodiyay iney dili doonaan maalmaha soo socda.
Kooxaha daroogada iyo mukhaadaraadka ka ganacsada ayaa la sheegay iney dilaan caruurta, si loo cabsi geliyo caruurta kale, oo ay ku qasbaan iney dalka gudihiisa uga kala gudbiyaan daroogada oo lacago badan ku fadhisa.
Hay’adaha diiwaangeliya falal dembiyeedyada ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro korar gaaraya 14% marka laga hadlo falalka ka hor imaanaya waxay ugu yeeraan qaanuunka, ee ay ku kacaan kooxaha Gangistarrada.
Tallaabadan ay waalidiin badan oo soomaali ah caruurtooda dib ugu soo celinayaan Soomaaliya ayaa waxay dad badan u arkaan iney tahay tallaabo saxan oo wanaagsan, maadaama Soomaaliya ay caruurta diintoodana ku badbaadeyso, amni iyo amaanna ku helayaan.
brother, from where can i download the videos released by al kataib media foundation.