Diyaaradaha Mareykanka ayaa maalintii shalay gaari shacab ku duqeeyay degaanka Cadow Dibille oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyadoona faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxaysa khasaarihii ka dhashay duqeyntaas oo ay dadka degaanka ku tilmaameen mid bahalnimo ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntan ku naf waayay afar qof oo loo maleynayo iney midood dumar ahayd sida ay noo sheegeen dadka degaanka Cadow Dibille. Meydadka dadkan ayaa la kala garan wayay, waayo xubin xubin iyo cad-cad ayay u kala go’o-go’een.
Hal nin ayaa kasoo badbaaday duqeyntan kaasoo sida aad sawirrada ka dheehan kartaan intiisa badan gubtay. Gaarigan ayaa kasoo safray degaanka Sabiid waxaana uu kusii jeeday degaanka Ceelasha Biyaha. Ma ahan markii ugu horreysay ee uu Mareykanku dad shacab ah ku gumaado Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Sh/hoose.
Dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa ee uu gobolka ka geystay waxaa kamid ah tii Bariire oo uu ku dilay 11 qof oo ka koobnaa rag beeraley ah iyo reerahooda. Siyaasiyiinta qaar ayaa Mareykanka ku dhaliilay inuu ku xad gudbay xuquuqda Aadanaha maadaama uu beegsanayo dad rayid ah oo dalkooda dhex jooga. Mareyanka ayaa islaamiyiinta ku eedeeya iney yihiin Argagixiso, haddana saasoo ay tahay waxaa isagana lagu eedeynayaa inuu Soomaaliya ka geysto falal argagax ku ah bulshada Soomaaliyeed.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA