Machadka Cumeyr Guurow waa machad sharci ah oo ay leedahay beesha Ciroole oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed, waxaana wax ku barta kudhawaad 100 caruur ah oo u dhashey beesha.
Dhawaan Ardeydaas waxaa usoo dhamaaday marxaladii sadexaad, waxaana u haray hal marxalad, iyadoona loo qabtay xaflad sagootin ah oo ay hal bil kusoo nasanayaan.
Ardeyda ayaa waxaa ka muuqday farxad aad u ballaaran, waxaana wax badan iska bedelay heerka aqoontooda, iyadoona Macallimiintu sheegeen in xitaa Ardeydu ay fasaxa diidanaayeen.
Odayaasha dhaqanka ee beesha Ciroole, culimo iyo Masuuliyiin katirsan wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose ayaa ka qeyb galay bandhiga ay Ardeydu ku qabtaan deegaanka Nasru-diin ee hoostaga Baraawe, halkaas oo ah xarunta Machadka.