HomeAll newsBulshada Muqdisho oo Muddo Laba Maalmood Ah Loo Xannibay Ismaaciil Cumar Geelle...

Bulshada Muqdisho oo Muddo Laba Maalmood Ah Loo Xannibay Ismaaciil Cumar Geelle Dartii. (Dhageyso)

Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa cabasho xooggan ka muujiyay sababta ay dowladda u xirto wadooyinka mar walboo ay dalka yimaadaam madaxda dowladaha kale. Waxay sheegeen iney dhib badan kala kulmeen booqashada uu madaxweynaha Jabuuti ku yimid magaalada Muqdisho kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga xirtay wadooyinkii halbowlayaasha ahaa.

Dad badan oo maqaayado lahaa ayaanan shaqeysan. Kuwa xamaalato ahaa ayaa sheegay inuu dabkooda dansanaa Sabtidii iyo Axadii. Arday badan ayaanan aadin jaamacadahoodii iyo iskuuladoodii halka qaarkoodna ay saacado badan ku qaadatay iney lug ku tagaan goobahooda wax barasho.

Intaa waxa dheer gaadiidleyda oo iyagana ay soo wajahday shaqo la’aan, tan oo ka dhigan in hal shaqsi oo dalka yimid uu saameyn adag ku yeeshay nolosha 4 Milyan oo ruux oo waliba u badan dad nolol maalmeedkooda soo dhacsada oo aanan keyd kale lahayn.

Halkan Ka Degso Dad Weynaha iyo Cabashadooda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular