HomeAll newsTobaneeyo Askari oo lagu dilay Weerar ka dhacay Maali.

Tobaneeyo Askari oo lagu dilay Weerar ka dhacay Maali.

Rag aad u hubeysan oo loo badinayo iney ka tirsan yihiin Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Maali.

Weerarka waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dioura oo hoostaga gobolka Mopti ee bartamaha wadankaas, waxaana ciidamada weerarka soo qaaday ay cagta mariyeen saldhiga.

Wararka horudhac ah ee la helayo waxay ku waramayaan in 20 askari oo katirsan ciidamada Maali goobta lagu dilay, iyadoona la gubay gawaari dagaal oo badan, welina majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Halkan ka dhagayso Faafaahin horudhac ah oo laga helayo weerarka Maali.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular