HomeAll newsMuslimiinta Wax Ka Barta Iskuul Ku Yaalla Kenya oo Salaada Loo Diiday.

Muslimiinta Wax Ka Barta Iskuul Ku Yaalla Kenya oo Salaada Loo Diiday.

Dalka Kenya oo ay ku nool yihiin Muslimiin badan ayaa waxaa kusoo kordhaya cadaadiska dhanka diinta ah heer ay haatan xaaladdu mareyso in dadka loo diido Salaada.

Maamulka iskuul ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Fisa Oshwal ayaa amar ku bixiyay iney ardayda Muslimiintu dukadaan salaada, halka kuwa aan Muslimka ahayn ay u fasaxan yihiin dhaqamadooda.

Ardayda ayaa waxaa lagu amray iney niyadda uun ka dukadaan Salaada laakin aan la arki karin arday sujuud ama rukuuc ku jira.

Tan ayaa walwal weyn ku beertay waalidiinta, kuwaasoo dacwad ka dhan ah iskuulka u gudbiyay maxkamadda sare. Balse waxaa xusid mudan in maxkamadda loo dacwoonayo ay laba bilood ka hor soo saartay amar ah in aaney gabdhaha Muslimaadka ah xijaab ku aadi karin iskuulada dalka Kenya.

Kenya waxaa ku nool wadaado badan oo qaarkood taageera maamulka Uhur, illaa iyo haddana ma jiro wadaad ka hadlay arrintan ama talo bixin siiyay dadka waalidiinta ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular