HomeAll newsMaraykanka oo duqeyn diyaaradeed ku dilay Askar katirsan Xukuumadda Kaabul.

Maraykanka oo duqeyn diyaaradeed ku dilay Askar katirsan Xukuumadda Kaabul.

War kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga ee xukuumadda taagta daran ee Kaabul ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Maraykanka ay duqeyn ku dileen ciidamo katirsan kuwa Afqaanistaaniyiinta.

Duqeynta ay geysteen diyaaradaha Maraykanka ayaa ka dhacday gobolka Uruzkaan ee dhaca koonfurta wadanka Afqaanistaan, waxaana ciidamada la beegsaday ay ku sugnaayeen bar kontorool oo ay dadka ku baaraan.

Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Kaabul ayaa xaqiijisay dhimashada ugu yaraan 5 askari, iyo dhaawaca toban kale, kuwaas oo qaarkood xaaladooda caafimaad ay liidato.

Sarkaal katirsan xukuumadda Kaabul oo la hadlay wakaaladaha caalamka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee duqeyntan ay tahay wada shaqeyn la’aanta ciidamada xukuumadda Kaabul iyo kuwa Maraykanka.

Dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale diyaaradaha Maraykanku u gumaadeen ciidamada ku safka ah ee xukuumadda Kaabul, wax raalli gelin ahna kama bixin, waxaana saraakiisha Maraykanka u arkaan ciidamadaas kuwa aan qiimo lahayn, maadaama ay ogyihiin iney qeyb ka yihiin duulaanka iyo gumaadka lagu hayo dadka ay ka dhasheen ee reer Afqaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular