
Qaar kamid ah warbaahinta Aduunka ayaa baahiyay in sarkaal Maraykan ah uu kamid ahaa dadkii ku dhintay burburkii diyaaradda Itoobiya, taas oo horaantii todobaadkan kusoo dhacday meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.
Antony Luweis oo kamid ahaa Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa kamid ahaa 8 ruux oo dowladda Maraykanka uga dhintay burburka diyaaradda Itoobiya Airline, waxaana ninkan geeridiisa xaqiijiyay warbaahinta.
Antony ayaa kamid ahaa saraakiishii hogaamineysay duulaankii 2001-dii dowladda Maraykanka ku qaaday wadanka Afqaanistaan, waxaana uu ahaa rug cadaa milliteri oo in mud ah katirsanaa ciidamada Maraykanka.
Diyaaradda Itoobiya ee burburtay ayaa kusii jeeday magaalada Nairoobi ee caasimadda Kenya, waxaana dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo tiradoodu gaareysay 157 kuwaas oo kasoo kala jeeday 35 dowladood oo katirsan caalamka.
Qaramada Midoobay ayaa horay u xaqiijisay in 19 kamid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradaas, iyadoona ay sidoo kale ku dhimatay taliyihii Police-ka AMISOM haweeneyda lagu magacaabo Cristine Alola.