HomeAll newsDilal ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye.

Dilal ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay saraakiil katirsan dowladda federaalka.

Xaafadda Gahayr ee degmada Hodan ayaa rag hubeysan waxay ku toogteen sarkaal katirsan dowladda, kaas oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamed.

Raga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay markii ay gaareen hadafkooda, waxaana goor dambe halka uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada dowladda oo qaaday meydka sarkaalka.

Sidoo kale degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada dowladda.

Sarkaalka la dilay oo saddex xidigle ahaa ayaa waxay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular