HomeAll newsSarkaal iyo Askari katirsan Dowladda Oo Lagu dilay Marko.

Sarkaal iyo Askari katirsan Dowladda Oo Lagu dilay Marko.

Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Weerarkan qaraxa ah oo dhacay habeenkii xalay waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay sarkaal katirsan dowladda iyo askari kale, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada qaraxa lala eegtay.

Ciidamada dowladda oo qaraxa kadib carooday ayaa fal aargoosi ah ka geystay xaafadaha magaalada Marko, iyagoona rasaas aan loo meel dayin ku furay dadka shacabka ah.

Rasaastii ay ridayeen ciidamada dowladda waxaa dhawac uu kasoo gaaray qof shacab ah, kaas oo xabad looga dhuftay sujuuda, waxaana hadda xaaladiisa laga deyrinayaa qofkaas shacabka ah ee la dhaawacay.

Nin la dhashay qofka dhaawacan ayaa Al-Furqaan uga waramay xaaladda walaalkiis.

Ciidamada dowladda waxay sidoo kale xoog ku galeen qaar kamid ah xaafadaha dadka shacabka, halkaas oo ay ku qal-qal geliyeen dadka shacabka ah, xilli ay isku diyaarinayeen iney hurdaan.

Halkan Ka dhagayso Nin la dhashay Wiilka ay ciidamada dowladda SUjuuda kaga dhuftaan Xabadda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular