Xamza Sheekh Usaama bin Laadin oo kamid ah saraakiisha mujaahidiinta Al-Qaacida, ayay dowladda reer Aala Sucuud kala laabatay dhalashadiisii.
Wasaaradda arimaha gudaha ee maamulkaas ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in dhalashada ay kala laabatay Xamza bin Usaama.
Bayaanka ay soo saareen oo lagu baahiyay Wargeys uu maamulku leeyahay oo lagu magacaabo Umul-Quraa, laguma sheegin sababaha rasmiga ah ee keenay in dhalashada lagala laabto hogaamiyahan katirsan AlQaacida ee uu dhalay amiirkii hore ee Al-Qaacida.
Go’aanka uu qaatay maamulka ayaa kusoo aaday maalin kadib markii dowladda Maraykanka ay lacago dul dhigtay Xamza bin Usaama bin Laadin, iyadoo sheegtay inuu yahay hogaamiye halis ku ah amniga Maraykanka iyo shacabkiisa.
Dad badan ayaa maamulka Aala-sucuud ku tilmaamay inuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayo raalli gelinta dowladda Maraykanka, oo dagaal adag kula jirta jamaacada Jihaadiga ee Al-Qaacida iyo dadka doonaya in shareecada islaamka lagu dhaqmo.
Maraakizta diraasaadka ee reer galbeedka ayaa ku tilmaama Xamza inuu kamid yahay hogaanka sare ee Al-Qaacida, islamarkaana uu ku dadaalayo fulinta weeraro ka dhan ah Maraykanka oo uu kaga aarguto dowladda dishey aabihiisa Sheekh Usaama bin Laadin.
Dhowr jeer oo hore ayaa mu’assasada As-saxaab waxay baahisay kalimaad uu jeedinayo Xamza bin Usaama bin Laadin, kuwaas oo uu kaga hadlayo siyaasadaha dowladda Maraykanka iyo maamullada u hogaansan oo uu kamid yahay Aala-sucuud, waxaana mid kamid ah kalimaadkiisa uu ku hanjabay weeraro ka dhan ah Maraykanka.
Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha kusoo duulay Soomaaliya. Dhaqanka ah in lacag la dul dhigo rag culimo ah ayaanan ahayn mid cusub, waxaana siirada ku cad in Nabiga scw ay shisheeyuhu hanti badan dul dhigeen.
Insha alh waa ka guuleesan doonaa kufaarta iyo xulafadooda