Allaah u naxriiste, waxaaa dhulka Xarameynka ku geeriyooday hooyada dhashey Sheekh Waliid As-sinaani oo kamid ah culimada Rabaaniyiinta ee xaqqa la jahra, kuna xiran xabsiyada maamulka Aala-sucuud.
Ehelka iyo qaraabada Sheekh Waliid ayaa xaqiijiyay geerida hooyo Ladhiifa Cabdalla oo dhashey caalimka Rabaaniga ee Sheekh Waliid, kaas oo ah maxbuuska ugu waqtiga dheer ee u xiran maaulka dulmiga caanka ku ah ee Aala-sucuud.
Masjid ku yaala magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-sucuud ayaa salaadda Janaazada lagula tuktay Allaah u naxriiste hooyo Ladhiifa, xilli inta nolosheeda ka harsaneyd ay ku taameysay aragtida wiilkeeda oo aysan tobaneeyo sano isha saarin.
Dadka Muslimiinta ayaa baraha bulshada waxay kusoo qorayeen in maamulka Aala-sucuud uu sheikh Waliid u ogolaado inuu ka qeybgalo taczida iyo duugmada hooyadiisa, waxaana muuqata in maamulka Aala-sucuud uu arinkaas dhegaha ka fureystay.