Ciidamada Jabuuti ee ay Soomaalidu u taqaano “Hiil gumeysi’ ayaa maanta dagaal adag waxa uu ku qabsaday qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, halkaas oo ay deegaano kamid ah ku joogaan xoog iyo gumeysi.
Ciidamo Jabuutiyaan ah oo kasoo baxay Jalalaqsi ayaa soo aaday dhinaca tuullada Jilibey, waxaana iyago meel dhexe maraya qabsaday dagaal culus oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Mujaahidiinta waxay ku guuleysteen iney ciidamada Jabuutiyaanka ku qasbaan iney ku laabtaan halkii ay kasoo duulaan tageen, waxaana dhabarka loo saariyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aynaan helin tirada rasmiga ah.
Dhaq-dhaqaaqa ciidamada Jabuutiyaanka ayaa kusoo aaday xilli maalintii shalay guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Jabuuti degmada Jalalaqsi, waxaana duqeyntaas ku dhintay shan askari halka ay ku dhaawacmeen 12 kale.
alahu akbar