HomeAll newsFaafaahin laga helayo duqeymo khasaare dhaliyay oo lagu garaacay Saldhiga Balli-doogle.

Faafaahin laga helayo duqeymo khasaare dhaliyay oo lagu garaacay Saldhiga Balli-doogle.

Saldhiga Garoonka Balidoogle.

Guutooyinka madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxay duqeymo xoogan ku garaaceen saldhiga garoonka Balli-doogle, halkaas oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

Madaafiicda lagu garaacay saldhiga oo dhamaantooda gudaha u galay halkii la beegsanayay ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada Maraykanka iyo kuwa dabaqoodhiga u ah ee Bankrafta.

Saddex Askari oo Ameerikaan ah uuna kamid yahay taliye Maraykan ah ayaa ku dhintay duqeymahan lagu garaacay saldhiga Balli-doogle.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeymahan 5 askari oo katirsan ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee Bankrafta.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan duqeynta ah ee khasaaraha ba’an lagu gaarsiiyay ciidamada Maraykanka.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Guulaysta kama gaabisaan gaalka dirirtiise
    Guulaysta godob tiin dad qaba galin maseex daane
    Guulaysta gacal iyo walaal waad gargaar tiine
    Gacan sare ayaad leedihiin goobti dirireede
    Gaba wara kufriga gaasiroo gaalo wada laaya
    Gaaladu kuway keen satiyo gaanuf daba yaala
    Godobteena maqan doona iyo goray ninkii loogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular