Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka, kaas oo lala eegtay qarax xoogan.
Gaari uu watay mid kamid ah saraakiisha Police-ka oo lagu magacaabo Xasan dheere ayaa qarax culus waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Goobta waxaa ku quur baxay Sarkaalka, waxaana burbur xoogan uu gaaray gaariga uu watay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan, wuxuuna imaanaya iyadoo xalay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federaalka.