
Habeenimadii xalay, ciidamo Ameerikaan ah oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah ayaa isku dayay iney weerar kusoo qaadaan magaalada Jannaale oo kamid ah deegaannada wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose.
Ciidamada Xarkada Mujaahidiinta AL-Shabaab ayaa ka war helay dhaq-dhaqaaqa ciidamada Maraykanka, taasna waxay u suuragelisay iney ka hortagaan oo ay u diidaan iney xaqiijiyaan danihii ay lahaayeen.
Ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Maraykanka ayaa dagaal adag uu dhexmaray, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro khasaare, walow aan faafaahin rasmi ah helin.
Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida markii ay u suurageli weysay iney gaaraan dantooda ayaa waxay duqeyn ku dhufteen qeybo kamid ah magaalada, taas oo ay ku bubureen guryo iyo hanti ay lahaayeen dad shacab ah.
Dhowr jeer oo hore, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay fashiliyeen isku dayo ay ciidamada Maraykanka ku doonayeen iney ku qal qal geliyaan amaanka wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya.