
Feysal Cabdi-ladhiif Cabdulle Xuseen oo kamid ahaa ciidamada maamulka Koonfur–galbeed ee gacan saarka dhow la leh Xabashida ayaa isku soo dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Askarigan ayaa kamid ahaa Police-ka magaalada Baraawe, waxaana uu isku soo dhiibay Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha-hoose.
Qori AK ah iyo Booshkiisa ayuu la yimid, waxaana u lacageeyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waraysi uu siiyay Idaacadda Al-furqaan ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu u tago hooyadiiisa, islamarkaana ka duceysto.
Askarta katirsan dowladda iyo maamullada hoos yimaada ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo dhiibayeen Mujaahidiinta, kadib markii ay ogaadeen xaqiiqda dagaalka iyo xukunka sharciyan ay leeyihiin.