Istish-haadi kaxeynayay gaari miineysan, oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka GEDO.
Jugta qarax weyn ayaa laga maqlay magaalada Baardheere, kaas oo lagu weeraray saldhig ciidamada Xabashidu ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada, waxaana goobta ka dhashay khasaare lixaad leh oo gaaray Itoobiyaanka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Istish-haadiga uu camaliyadda ku fuliyay kontoroolka saldhiga oo ay xilligaas dhoobnaayeen ciidamo aad u badan oo katirsan Xabashida Itoobiya.
War kooban oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda camaliyadan, waxaana Mujaahidiintu xaqiijiyeen in khasaaraha dhimashada ee horudhac ah uu gaarayo 16 askari.
Camaliyadan Istish-haadiga ayaa timid iyadoo dhawaan taliyaha guud ee ciidamada Shisheeyaha AMIOSOM loo dhiibay sarkaal Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Yilma Wondimhunegn, taas oo muujineysa gumeysiga lala doonayo dalkeena Soomaaliya.